Alexandre Lacazette Oo Tilmaamay Meel Ay Tahay In Ay Arsenal Iska Saxdo Kadib Guushii Huddersfield

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa tilmaamay hal meel oo ay tahay in ay Arsenal iska saxdo kulamada iyo wakhtiga soo socda.

Alexandre Lacazette ayaa qirtay in ay Arsenal ahayd in ay dhaliso in ka badan laba gool kulankii ay guusha 2/0 ah ka gaadheen Hudderfield Town.

Arsenal ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay ee premier League ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tan ilaa November laakiin Huddersfield ayaa dhibaao ku keentay Arsenal.

Arsenal ayaa ku dhibaatooday kulamada ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan taas oo dhaawacaysa rajadooda ku soo bixista 4-ta boos ee ugu sareeya.

Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa Arsenal laakiin waxa uu qirtay in ay Arsenal u baahan tahay in ay abuurto fursado badan.

“Haa waxa ay ahayd in aan dhalino goolal badan, waxa aan haysanay kubada in badan waxa aan dhalin akrnay goolal badan laakiin waxa aan ka hor tagay koox adag gaar ahaan qaybtii dambe”.

“Waxa aan ku jirnay kulan adag laakiin waxa noo fiican in aan helnay 3-da dhibcood”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here