Alexandre Lacazette & Henrikh Mkhitaryan Oo Guul Ku Hogaamiyay Arsenal Xilli Gunners Kaalinta 4-aad Kala Baxday Man United

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 27-aad.

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro sidoo kale maamulayay ciyaarta gabi ahaanteedba.

Daqiiqadii 6-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee kooxda iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Southampton ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro ay ku doonaysay in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha iyaga oo sameeyay fursado yar.

Daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta ayay Arsenal Mar kale dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Henrikh Mkhitaryan isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay Qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso ciyaarta halka ay waliba ahaayeen qaar qaab ciyaareed fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayayna Labada kooxood soo bandhigin qaab ciyaareed fiican iyaga oo aan samayn fursado si weyn loogu qanci karo.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guul 2/0 ah sidaasna kaalinta 4-aad ugala baxday kooxda Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here