Alexandre Lacazette: Halkan Sabab Ayaa Naga Caawisay In Aan Garaacno Chelsea

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay uga badiyeen kooxda chelsea kulankii ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League.

Alexandre Lacazette ayaa sheegay in ay fuliyeen wixii uu tababare Unai Emery u sheegay taas oo sabab u ah in ay garaaceen kooxda Chelsea.

Laurent Koscielny & Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay laba gool oo qaybtii hore ah taas oo ka caawisay in ay 3-da dhibcood ku reebtaan Emirates.

Chelsea ayaa isku dayday in ay cadaadis saarto kooxda Arsenal si ay uga dhaliyaan goola laakiin Blues ayaa ku fashilantay in ay dhaafaan daafaca Arsenal.

Lacazette ayaa u sheegay BT Sport: “Waxaan sameynay waxa uu tababaruhu noo sheegay”.

“Waxan aan u shaqaynay si adag, waanan dagaalanay ilaa dhamaadkii ciyaarta sidaas darteed waxa ay ahayd wax fiican”.

“Ma ahayn kulan fudud laakiin waan ku faraxsanahay hadii aan gool dhaliyay kadib caawiyay kooxda”.

“Haatan waxa aan 3 dhibcood ka dambaynaa chelsea walina waxa aan ku jirnaa tartanka kaalinta 4-aad sidaas darteed wali waan dagaalami doonaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here