Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa u bushaareeyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu ku soo laabtay garoonka isaga oo bilaabay orodka.
Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ku soo laabtay garoonka isaga oo bilaabay orodka kaligii ah taas oo muujinaysa in uu aad ugu dhaw yahay in uu ugu soo laabto garoomada .
Xiddiga reer England ayaa garoomada dhaawac uga maqnaa tan ilaa lugtii 1-aad ee semi-finalkii champions league ee xilli ciyaareedkii hore kadib dhaawac soo gaadhay.
Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dhaawac xun ka soo gaadhay jilibka kulankii ay Liverpool 5/2 ka gaadhay kooxda Roma isaga oo garoomada ka maqnaa muddo 8 bilood ah.
Laakiin xiddigan ayaa u muuqda mid ku soo dhawaanaya garoomada iyada oo laga yaabo in uu kulamo u ciyaaro Reds ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Alex Oxlade-Chamberlain ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray” Waa dareen fiican in aan ku soo laabto garoomada kadib muddo 8 bilood ah”.