Alan Shearer Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan

Halyeeyga reer England ee Alan Shearer ayaa saadaaliyay kooxda Ku guulaysan doonta tartanka champions League xilli ciyaareedkan xilli todobaadkan la ciyaari doono kulamadii ugu horeeyay ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Alan Shearer ayaa Lionel Messi u saadaaliyay in uu champions League ku hogaamin doono kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta laba kooxood oo Premier League ah waliba u baahan in ay dhaafto hadii ay doonayso in ay gaadho finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Ugu Horayn Barcelona ayaa 8 dhamaadka la ciyaari doonta kooxda Man United iyada oo la ciyaari doonta Semi-finalka champions League Kooxda Liverpool hadii ay dhaafto kooxda Man United.

Man United ayaa si lama filaan ah ugu soo baxday wareegan kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda PSG kulan ay wiilasha Ole Gunnar Solskjaer sameeyeen taariikh cajiib ah.

Laakiin xiddigii hore eee England ayaa filaya in ay Barcelona ku guulaysan doonto champions League 6-aad ee taariikhdooda xilli ciyaareedkan.

“Meesha kama saari karti Man United kadib wixii ay sameeyeen Kulankii PSG”ayuu Shearer u sheegay The Sun.

“Laakiin waxan u malaynayaa in ay Barcelona ka awood badan tahay sabab la xidhiidha Lionel Messi”.

“Waxa aan filayaa in uu Lionel Messi noqon doono midka samayn doona farqiga kulanka Man United waana sababta ay Barcelona ugu guulaysan doonto Champions league xilli ciyaareedkan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here