Akhristayaasha Wargayska MARCA Oo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa La Liga Ee Sanadkii 2018, Yaa Ku Guulaystay?

Akhristayaasha wargayska MARCA ayaa doortay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka La Liga sanadkii 2018 ee la soo dhaafay.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionle Messi ayay Akhristayaasha wargaysku u doorteen xiddigii ugu fiicnaa horyaalka La Liga sanadkaii 2018.

Wargayska ayaa xaqiijiyay in uu Messi kaalinta 1-aad ka galay 10-kii xiddig ee ay Akhristayaasheedu doorteen sanadka 2018.

Xiddiga reer Argentine ayaa ka horeeya xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Modric iyo xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Lionel Messi ayaa sanadka 2018 ku guulaystay kabta dahabka ah ee horyaalka La Liga iyo labada koob ee La Liga iyo Copa Del Rey-ga.

Xiddiga 5 jeer ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ayaa sidoo kale sanadkii 2018 dhaliyay 51 gool oo tartamada oo dhan ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here