Akhristayaasha Shakabada Sky Sports Oo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

Akhristayaasha Shabakada Sky Sport ayaa doortay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ee ay tahay in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiicana sanadkan.

Kadib codayn ay sameeyeen Taageerayaasha Premier League ayaa xiddiga Kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk u doortay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa codaynta ka qayb qaatay 48,000 oo Akhriste kuwaas oo codkooda kaga dhiibtay skysports.com xiddiga Liverpool ee Van Dijk u doortay xiddiga ugu fiican.

Xiddiga reer Holland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay u dagaalanto horyaalka premier League.

27 jirkan ayaa kooxdiisa u ciyaaray 2755 daqiiqo horyaalka premier League isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay shabaq ilaashadto 17 kulan.

Van Dijk ayaa helay cod dhan 59% isaga oo dhibco waali ah ka horeeya xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero oo helay cod dhan 15% halka uu ku xigo xiddiga Raheem Sterling kaas oo helay cod dhan 13%.

Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Loo Kala Helay Codadka Ugu Badan:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here