Ajax Oo Bar-Baro Ku Qabatay Kooxda Juventus Xilli Uu Cristiano Ronaldo Gool Cajiib Ah Dhaliyay

Kooxda Juventus ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Ajax kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions Leageu kulan ka dhacay garoonka Johan Cruijff Arena,

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Ajax halis badnayd dhanka fursadaha laakiin ay Juventus maamulaysay ciyaaarta kuwaas oo aan samayn fursado badan oo laga hadli karo.

Ajax ayaa qaadaysay weeraro halis ahaa oo rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan kooxda Juventus kuwaas oo iyagu daafac ku jiray kubadana maamulayay.

Kooxda Juventus ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si cajiib ah madax ugu dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay juventus ku hogaaminayso ciyaarta waliba aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii fiicnaa ee laga sugayay marka loo eego kulanka.

Qaybtii dambe ayay kooxda Ajax ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay una dagaalamayay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka ciyaartana wax uga badali lahaayeen.

Daqiiqadii 46-aad ayay Ajax dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga David Neres kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro ay Ajax ugu soo laabatay ciyaarta.

Kooxda Ajax ayaa sii waday fursadaha iyada oo samaysay fursado halis ah oo ay goolal kale kaga dhalin gaadheen kooxda Juventus xilli ay Juventus ku dhibaatootay in ay samayso fursado la taaban karo.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah iyaga oo Juventus ku qasbay in ay sugaan ilaa garoonkooda si ay ugu gudbaan wareega xiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here