Afar Kooxood Oo Go,aamin Doona Mustaqbalka James Rodriguez

0

Kooxaha Juventus & Arsenal ayay laabdooduban doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez hadii ayna kooxaha Real Madrid Iyo Bayern Munich doonayn in ay xiddiga haystaan.

Kooxda reer Germany ayaa haysta ilaa xagaaga si ay go,aan uga gaadho in ay si joogto ah ula wareegto xiddiga iyo in ay ku celiso kooxda Real Madrid.

Hadii ay noqoto in uu ku laabto Estadio Santiago Bernabeu go,aanka mustaqbalkiisa ayuu qaadan doonaa tababaraha hogaamin doona kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa isha ku haysa 27 jirka xilli uu Cristiano Ronaldo doonayo in uu la midoodbo xiddiga reer Colombia.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror Juventus ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa James laakiin Arsenal ayaa xiddiga u doonaysa in ay ku buuxiyaan booska Mesut Ozil.

Marka la eego haatan xiddiga amaahda uga maqan Real Madrid ayaa haysta dookhyo badan waxana uu mustaqbalkiisu kala cadaan doonaa bisha June.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here