Afar Fure Oo Uu Santiago Solari U Isticmaali Karo In Uu Ku Garaaco Barcelona

Tababaraha Real Madrid Santiago Solari ayaa marti doona tijaabadiisii ugu horaysay ee El Clasico kulanka caawa ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Barcelona kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka Copa Del Rey-ga.

Solari ayaa ku rajo weyn in uuna mari wadadii Tababarihii ka horeeyay kaas oo ay Barcelona 5/1 uga badisay kulan ka dhacay Camp Nou.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 4 fure oo uu Solari u Isticmaali karo in uu ku Garaaco Barcelona.

Lucas Vasquez & Karim Benzema:

Vasquez Iyo Benzema ayaa door muhiim ah ka qaadan doona ciyaarta caawa ka dhici doonta Camp Nou iyaga oo wada hogaamin doona weerarka waliba caawin doona xiddigaha Luca Modric iyo Toni Kroos si ay u maamulaan ciyaaarta.

Xiddiga reer France ayaa cadaadis saari doona Pique marka uu kubada haysto halka Xiddiga reer Spain uu ilaalin doono Jordi Alba.

Keylor Navas:

Goolhaye Navas ayaa noqon doona goolhayaha ku bilaaban doono kulanka waxana uu ciyaari doonaa ilaa finalka hadii ay kooxdiis u gudubto sidaas darteed sida uu uga fal celiyo kulankan muhiimka ah ayaa noqon doonta mid muhiim ah.

Weerarka Rogaal celiska ah:

Solari ayaa sheegay in wadada kaliya ee Barcelona lagu garaaci karo tahay in la qaado weeraro rogaal celis ah waxana ay kooxdiisu ka faa,iidaysan doontaa sidii ay u ciyaari lahayd weerar deg-deg ah oo min difaac ilaa weerar ah.

Ilaalinta garabka daafaca:

Lucas Vasquez iyo Jordi Alba ayaa iska caawin doona in ay wada ilaaliyaan garabka weerarka ay ka wada ciyaari doonaan xiddigaha Coutinho iyo Alba halka xiddigaha Sergio Ramos iyo Toni Kroos muhiimadoodu tahay in ay lama heli karo ka dhigaan garabka kale ee weerarka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here