Afar Dookh Oo Uu Ernesto Valverde Ku Buuxin Karo Booska Jordi Alba Kulanka Axada

Kooxda Barcelona ayaa kulanka Atletico Bibao gali doonta iyada oo uu ka maqan yahay xiddiga laf dhabarta u ah xilli ciyaareedkooda ee Jordi Alba.

Xiddiga reer Spain ayaa ganaax ku seegi doona kulanka Bilbao ee ka tirsan horyaalka La liga toodbaadkiisii 23-aad.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in uu tababare Ernesto Valverde haysto 4 dookh oo uu ku buuxin karo booska Jordi Alba.

Dookha 1-aad ayaa ah in uu Isticmaalo xiddiga Nelson Semedo, Sergi Roberto ama daafaca dhexe ee Thomas Vermaelen ama Clément Lenglet.

Ernesto Valverde ayaa sidoo kale horay booskaas ga ciyaarsiiyay da,yarka Miranda kulankii ay barcelona guuldarad 2/1 ah kala kulantay Leganes.

Sidoo kale Sergi Roberto ayuu booskaas ka ciyaarsiiyay kulankii ay la ciyaareen kooxda Levante ee tartanka Copa del Rey-ga.

Wargayska ayaa sheegaya in uuna Valverde ilaa haatan go,aansan xiddiga uu badalka Jordi Alba ku bilaabi doono kulanka Bilbao.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here