Ac Milan Oo Xaqiijisay In Ay Ku Dhawdahay Weeraryahan Ka Ciyaaraha Sevilla

0

Tababaraha Kooxda Ac Milan ee Gennaro Gattuso ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu ku dhawdahay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Sevilla ee Luis Muriel.

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Colombia yahay bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Ac Milan si ay ugu xoojiso weerarka suuqa January.

Wargayska Football Italia ayuu tababare Gattuso u sheegay” Wali maanu dhamaystirin heshiiska Muriel laakiin waxa aan wadahadalo kula jirnaa kooxda Sevilla si aan adeegiisa u helno suuqa January”.

“Waan la hadlanay Muriel si la mid ah xiddigo badan oo kale laakiin ma jiro xiddigo aan heshiiskooda dhamaystirnay”.

Muriel ayaa horay uga ciyaaray horyaalka Serie A-da isaga oo u soo ciyaaray kooxda Udenes ka hor inta uuna horyaalka La Liga ku soo biirin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here