Ac Milan Oo Wadahalo Ay Ku Doonayso Malcom Kula Jirta Barcelona

0

Kooxda Ac Milan ayaa wadahadalo la furta kooxda Barcelona oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Malcom sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Ac Milan sidoo kale wadahadalo la furtay wakiilada si ay ula gaadhaan heshiiska shaqsiga ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro Horyaalka Serie A-da gaar ahaan kooxda Roma Ka Hor Inta ayna Barcelona ka afduuban xiddiga daqiiqadihii ugu dambeeyay ee heshiiska.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay kooxda Ac Milan dalab ka gudbisay xiddiga reer Brazil intii lagu jiray suuqii January laakiin Barcelona ayaa u sheegtay in ay bixiso 50 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga.

Laakiin Kooxda Ac Milan ayaa u aragta xiddig saamayn ku yeelan karo kooxda xilli ciyaareedka dambe waliba doonayaan in ay la midoobeeyaan xiddiga ay isku dalka yihiin ee Lucas Paqueta.

Wargayska ayaan sheegin faah-faahinta heshiiska laakiin ilo wareedyo ku dhaw kooxda ayaa sheegaya in ay Ac Milan heshiis amaah ah ku doonayso xiddiga reer Brazil marka la gaadho suuqa xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here