Ac Milan Oo Ka Hashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Gonzalo Higuain Ku Dhaw Yahay Chelsea

Kooxda Ac Milan ayaa ka hadashay wararka maalmihii ugu dambeeyay sida xooga ah looga hadlayay ee sheegayay in ay Chelsea ku dhawdahay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Milan ee Gonzalo Higuain.

Agaasimaha kooxda Ac Milan Leonardo ayaa shaaca ka qaaday in ayna kooxda Ac Milan helin wax dalab ah oo ku socda weeraryahanka reer Argentine ee Gonzalo Higuain.

Xiddiga reer Argentine ayaa si xoogan loola xiriirinayay kooxda Chelsea iyada oo la sheegayay in ay labada kooxood heshiis isku badalasho ah samayn doonaan iyada oo uu Alvaro Morata ku biiri doono Ac Milan.

Gonzalo Higuain ayaa haatan amaah ku jooga Ac Milan isaga oo kaga biiray kooxda Juventus iyada oo la sheegay in ay Juventus diyaar u tahay in ay ogolaato in uu xiddigu amaah ugu biiro kooxda Chelsea.

“Maanu helin wax dalab ah oo ka socda Chelsea”ayuu Leonardo Yidhi, “Ma jirto cid wax naga waydiisay Gonzalo Higuain isaguna namuu waydiisan in uu boxon”.

“Si kasta oo ay ahaato Ac Milan waxa aan ku haysanaa xiddigaha doonaya in ay sii joogaan halkan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here