Ac Milan Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Badalka Gonzalo Higuaín, Falcao Ayay Doonaysaa.

0

Kooxda Ac Milan ayaa bartilmaameedsanaysa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Monaco iyo xulka qaranka Colombia ee Radamel Falcao inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha January.

Weeraryahanka haatan jooga Ac Milan ee Gonzalo Higuaín ayaa si aad ah ugu dhaw in uu ka tago kooxda kuna biiro kooxda Chelsea.

Kooxda reer Italy ayaana isku diyaarinaysa in ay badalkiisa la soo wareegto inkasta oo ay ku adagtahay in ay helaan wax xiddigo ah bishan.

Wargayska El Sportivo ayaa sheegaya in ay Milan isku dayi doonto in ay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga weerarka uga ciyaara monaco ee Radamel Falcao si ay ugu buuxiso booska Gonzalo Higuaín.

Falcao ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay wakhtigiisii Atletico Madrid kadib intii uuna ku fashilmin kooxaha Chelsea iyo Man United.

Wararka ayaa sheegaya in Higuain si Rasmi ah maamulka Ac Milan uga dalbaday in uu isaga tago kooxda bishan kuna biiro kooxda Chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here