Ac Milan Oo Doonaysa Saxiixa Richarlison & Hal Wado Oo Ay Ku Heli Karto Oo La Ogaaday

0

Kooxda Ac Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Everton ee Richarlison.

Laakiin kooxda Ac Milan ayaa u baahan in ay bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro hadii ay doonayso in ay xiddiga reer Brazil gayso Serie A-da.

Wargayska Calcio Mercato ayaa sheegaya in uu Richarlison ku wajahan yahay San Siro kadib markii uu xilli ciyaareed niyad jab leh ku qaatay Everton xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa 35 milyan o euro ugu soo biiray Everton xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray kooxda Watford.

Richarlison ayaa 12 gool u dhaliyay 31 kulan tan ilaa markii uu joogay kooxda ku ciyaarta Goodison Park.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay tababaraha kooxda Ac Milan ee Gennaro Gattuso laakiin Milan ayaa loo sheegay in ay bixiso lacag badan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here