Aaron Rasmey Oo Lagu Soo Waramayo In Uu Haatanba Qalinka Ku Duugay Heshiiska Uu Ugu Biirayo Juventus

0

Xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Rasmey ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba saxiixay heshiiska uu ugu biirayo kooxda Juventus kaas oo bilaabmi doona 1 bisha July sida laga soo xigtay Sky Sport Italia.

Heshiiskiisa haatan ee Arsenal ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan sidaas darteed waxa uu xor u yahay in uu heshiis la galo kooxaha ka baxsan England bishan.

Waxa lagu soo waramayaa in uu Ramsey haatanba si buuxda ugu baasay tijaabada caafimaadka isag oo qaybtii dambe ku maray Spain qalinkana ku duugay heshiiska uu ugu biirayo kooxda.

Si kasta ha ahaatee Juventus ayaan wax niyad ah u hayn in ay 20 milyan ka bixiso xiddig heshiiskiia ka hadhsan yihiin 6 bilood sidaas darteed waxa ay Xiddiga u dayn doonaan Arsenal inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa ku biiri doona kooxdiisa Cusub ee Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo soo afjari doona joogistiisa Arsenal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here