Aaron Ramsey Oo Ku Biiri Kara Juventus Bishan Hadii Ay Arsenal Hesho Labadan Xiddig

Aaron Ramsey ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biiri karo kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa January ee bishan laakiin waa hadii ay kooxda Arsenal heshiisyo amaah ah ku hesho xiddigaha Denis Suarez & James Rodriguez.

Sida laga soo xigtay wargayska the Independent, Arsenal ayaa haatan ka shaqaynsa dhamaystirka laba saxiix oo khadka dhexe ah kuwaas oo Ramsey u ogolaanaya in uu 10 milyan ugaga tago kooxda.

Ramsey ayaa ku dhaw in uu heshiis hordhac ah la gaadho kooxda Juventus oo wakhti horeba marisay tijaabada caafimaadka kana mid noqon doona xiddiga 2-aad ee ugu mushaharka badan isaga oo ka dambayn doona Cristiano Ronaldo.

Kooxda Arsenal ayaa kala laabatay heshiiskii cusbaa ee ay u soo bandhigtay xiddiga reer Wales taas oo la macno ah in uu si xor ah uga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Emery ayaa kaliya dhamaystiri kara heshiisyo amaah ah waxana ay haatan kooxdiisu ka shaqaynaysaa saxiixa xiddiga Barcelona ee Denis Suarez.

Gunners ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Barcelona miiska u saarto heshiis 2 milyan oo amaah ah ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegin 20 milyan xagaaga.

Rodriguez ayaa dhankiisa haatan ku jira 6-dii bilood ee heshiiskii amaahda ahaa ee uu uga maqnaa kooxda Real Madrid uguna joogay Bayern Munich sida laga soo xigtay the Independent labada xiddig ayaa u furan in ay ku biiraan Arsenal

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here