Aaron Ramsey & Mesut Ozil Oo Hogaaminaya Liiska xiddigaha Europa League Ee Arsenal & Lacazette Oo Seegaya Kulanka

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda BATE Borisov kulan ay Gunners ku qasbantahay in ay caawa guul gaadho si ay ugu soo baxdo wareega 16-ka tartanka.

Arsenal ayaa waayi doonta adeega xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo gaadhka cas qaatay kulankii lugta 1-aad ee tartanka.

Si kasta waxa ay dib u heleen xiddigaha Papastathopoulos, Aaron Ramsey iyo Mesut Ozil kuwaas oo dhaawac ku seegay lugtii hore ee Europa League.

Dhanka kale waxa wali dhaawac uga maqnaan doona xiddigaha Danny Welbeck, Hector Bellerin Iyo Rob Holding halka uu xiddiga Ainsley Maitland-Niles ku seegi doono xanuun.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Tababaruhu u soo xushay kulanka caawa:

Leno, Cech, Jenkinson, Lichtsteiner, Koscielny, Mustafi, Papastathopoulos, Monreal, Kolasinac, Maitland-Niles, Xhaka, Elneny, Torreira, Guendouzi, Iwobi, Ozil, Ramsey, Suarez, Mkhitaryan, Aubameyang, Nketiah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here