8 Kulan Oo Go,aamin Doona Mustaqbalka Tababare Ole Gunner Solskjaer, Imisa Ayuu Guul Gaadhsiin Karaa United?

Tababaraha Ku Meel Gaadhka ah ee Ole Gunner Solskjaer ayaa si cajiib ah ku bilowday shaqadiisa tababaranimo ee kooxda Man United.

Solskjaer ayaa United ku hogaamiyay 9 guulood oo tartamada oo dhan ah tan ilaa markii uu bishii hore shaqada ka badalay jose Mourinho.

Kadib qaab ciyaareedka cajiibka ah ee kooxda waxa ay xiddigaha iyo waliba taageerayaasha kooxdu maamulka kooxda ka dalbadeen in uu Solskjaer noqdo tababaraha buuxa ee kooxda.

Laakiin Maamulka United ayaan ku deg-degi doonin go,aanka in ay tababare Solskjaer ka dhigaan tababaraha buuxa ee kooxda Man United.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ay Maamulka Man United tababaraha u qabteen kulamo uu ku muujiyo tayadiisa si uu u noqdo tababaraha kooxda.

Kulamadaas ayaa ah 8 kulan oo soo socda oo ay Man United la ciyaari doonto kooxo waaweyn oo tartamada oo dhan kala ah sida champions Leageu, FA Cup iyo Premier League.

Hadii uu Solskjaer natiijooyin fiican ka helo kulamadaas waxa la sheegayaa in ay Maamulka United ka fiirsan doonaan in ay isaga ka dhigaan tababaraha buuxa ee Red Devils.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kulamada Go,aamin kara Mustaqbalka tababare Solskjaer

12 February: ManUtd v PSG -CHAMPIONS LEAGUE

17 February: Chelsea v ManUtd -FA Cup

24 February: ManUtd v Liverpool -PREMIER LEAGUE

27 February: Palace v ManUtd -PREMIER LEAGUE

02 March: ManUtd v Southampton -PREMIER LEAGUE

06 March: PSG v ManUtd -CHAMPIONS LEAGUE

09 March: Arsenal v ManUtd -PREMIER LEAGUE

16 March: ManUtd v Man City -PREMIER LEAGUE

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here