8-da Kooxood Ee Ugu Guulaysiga Badan Koobka Champions League, Laba Premier League Ah Ayaa Ku Jira

Tartanka champions League ayaa dib u soo laabtay iyada oo ay wada ciyaari doonaan kooxo waaweyn lana filayo kulamo xiiso leh qaybtii 2-aad lugta 1-aad ee wareega 16-ka.

Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda PSG halka Tottenham ay garaacday kooxda Borussia Dortmun todobaadkii hore.

Kooxda Liverpool ayaa caawa marti galin doonta kooxda Bayern Munich halka ay Barcelona marti u noqon doonto kooxda Lyon.

Ugu dambayn waxa lugta 1-aad ee wareega 16-ka lagu soo xidhi doonaa Atletico Madrid Vs Juventus iyo Schalke Vs Man City.

Kooxda Real Madrid ayaa ah boqorada Yurub iyaga oo ku guulaystay koobabka ugu badan tartanka champions League tan ilaa markii la Aas-Aasay tartanka.

Kooxda Ac Milan ayaa ah kooxda ku xigta iyaga oo 7 jeer ku guulaystay tartanka inkasta oo ay sanadihii ugu dambeeyay seegtay ka qayb galkiisa.

Kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool ayaa ku guulaystay min shan jeer halka kooxaha Barcelona iyo Ajax ku guulaysteen min 4 jeer.

Kooxaha Inter Milan iyo Man United ayaa sidoo kale ku guulaystay min 3 jeer tartanka champions league taariikhooda.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha Ugu Guulaysiga Badan Tartanka champions League.

  1. Real Madrid: 13
  2. Ac Milan: 7
  3. Liverpool: 5
  4. Bayern Munich: 5
  5. Barcelona: 5
  6. Ajax: 4
  7. Man United: 3
  8. Inter Milan: 3
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here