5-ta Xiddig Ee Kulamada Ugu Badan Ciyaaray Taariikhda El Clasico

Saacado ayaa inaga xiga bilowga kulankii 2-aad ee El Clasico muddo 4 maalmood ah gudohood marka ay kooxda Real Madrid marti galin doonto kooxda Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Kulanka El Clasico ayaa ah kulanka ugu weyn taariikhda kubada cagta Spain iyo waliba kubada cagta guud ahaan waana kulan ay dhamaan taageerayaasha kubada cagtu wada sugayaan.

Ka soo muuqashada kulanka El Clasico iyo difaacida Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah riyada xiddig Kasta oo kubada cagta ah waxana kulanka ka soo ciyaaray xiddigo badan.

214 kulan oo El Clasico ayay labada kooxood soo wada ciyaareen waxana kulamadaas ka soo muuqday xiddigo badan oo heer caalami ah.

Taariikhda Kulanka waxa jira kaliya 5 xiddig oo ciyaaray 40 kulan ama wa ka badan Iyada oo 2 yihiin Barcelona 3 kalena yihiin Real Madrid.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 5-taas xiddig iyo kulamadii ay ciayareen

Manuel Sanchís Hontiyuelo (Real Madrid) 43 kulan

Xavi (Barcelona) 42 Kulan

Francisco Gento (Real Madrid) 42

Sergio Ramos (Real Madrid) 41

Lionel Messi (Barcelona) 40

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here