“5-0”:- Cristiano Ronaldo Oo Ku Digtay Taageerayaasha Atletico Madrid Inkasta Oo La Garaacay Kooxdiisa Juventus

Cristiano Ronaldo ayaa wakhti adag ku qaatay ku soo laabashada Madrid kadib markii ay kooxda Juventus guuldaro kala kulantay kooxda Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa hal lug lasii gashay wareega 8 dhamaadka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen qaybtii dambe ee ciyaarta xilli daafacyada Jose Gimenez & Diego Godin u dhaliyeen labada gool.

Kadib markii uu Jan Oblak fursad cajiib ah ka badbaadiyay Ronlado xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku ciyaaro kulanka.

34 jirka ayaa taageerayaasha iyo waliba xiddigaha Atletico Madrid kala kulmay dhaqan adag intii ay socotay ciyaartu iyada oo taageerayaashu ku orinayeen.

Ronaldo oo kooxda Juventus ugu biiray 105 milyan oo euro soona afjaray 9 sano oo uu joogay Madrid ayaa ku digtay taageerayaasha Atletico Madrid.

Intii ay ciyaartu sooctay Xiddiga Juventus ayaa orin kala kulmay taageerayaasha Kooxda Atletico Madrid laakiin Ronaldo ayaa ugu jawaabay 5 faroon isaga oo tilmaamay 5 champions League oo uu ku guulaystay.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay xiddiguna ka baxay garoonka ayaa sidoo la arkay isaga oo tilmaamay 5 faroon oo tilmaamaya 5 champions League uu ku guulaystay “Eber” “0” oo tilmaamaya in ayna Atletico Madrid ku guulaysan champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here