4 Xiddi Oo Daafaca Bidix Ah Oo U Sharaxan In Ay Ku Biiraan Barcelona, Laba Ayaa Premeir League Jooga

0

Kooxda Barcelona ayaa ku guulaystay in ay heshiis wakhti dheer ah ka saxiixato xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara ee Jordi Alba.

Xiddiga reer Spain ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda kula sii joogi doono ilaa xagaaga 2024 taas oo la macno ah in uu wakhtigiisa inta badan ku qaadan doono Camp Nou.

Barcelona ayaa haatan bilowday raadinta xiddigii ay ku nasin lahayd xiddiga kadib markii ay ka saxiixatay heshiiska wakhtiga dheer ah.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona diyaarsatay 4 xiddig kuwaas oo ay doonayso in ay ku nasiso Jordi Alba.

Barcelona ayaa doonaysa xiddig khabirad fiican leh si uu badal ugu noqdo Alba kulamada ay xiddiga u nasinayaan kulamada muhiimka ah.

Liiska ayay ka mid yihiin xiddigaha Filipe Luís, Alberto Moreno, Nacho Nonreal kuwaas oo ay u doonayaaan sabab la xidhiidha in ay heshiisyadoodu dhacayaan xagaaga.

Xiddiga kale ayaa ah xiddiga da,yarka ah ee Alaxis Moreno kaas oo u baahan lacag fiican si ay u helaan maadama uu xiddig da,yar ah yahay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here