4 Tababare Oo U Sharaxan In Ay Shaqada Ka Badalaan Maurizio Sarri

Wakhtigii tababare Maurizio Sarri ee kooxda chelsea ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya kadib guuldaradii Axadii chelsea ka soo gaadhay kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Chelsea haatanba bilowday raadinta badalka tababare Murizio Sarri.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea qaab ku meel gaadh ah shaqada ugu dhiibi doonto  tababare ku xigeenka xulka qaranka England ee Steve Holland.

Kadib maamulka Blues ayaa bilaabi doona raadinta tababare si buuxda u hogaamiya kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska ayaa sheegay in ay jiraan 4 tababare kuwaas oo ay kooxda chelsea ka dooran doonto tababarohoosa cusub ee xilli ciyaareedka dambe.

Tababarayaasha kala ah Nuno EspĂ­rito Santo, Laurent Blanc, Massimiliano Allegri & John Terry ayaa ah kuwa ku jira liiska tababarayaasha ay Blues doonayso in ay ka doorato tababarohooda cusub.

Maurizio Sarri ayay saarantahay seeftu iyada oo laga yaabo in laga caydhiyo maalmaha soo socda kadib natiijooyin xun oo ay kooxdu heshay kulamadii ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here