4 Sababood Oo Kylian Mbappe Ku Riixaysa In Uu Ku Biiro Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa la filayaa in ay dib u cusboonaysiiso xiisaha ay u qabtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe marka la gaadho suuqa xagaaga xiddiga reer France ayaana albaabka u furay in uu ku biiro Los Blancos.

Kooxda reer Spain ayaa xiiso wakhti fog ah u haya xiddiga reer France kaas oo dhaliyay 31 gool 35 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Zinedine Zidane oo todobaadkii hore markii 2-aad ku soo laabtay shaqada tababaranimo ee Real Madrid ayaa isha ku haya in uu isku shaandhayn weyn ku sameeyo kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liiska Zinedine Zidane Waxa ugu sareeya 20 jirka reer France sida uu sheegayo wargayska AS oo sidoo kale sheegay in ay jirto suurtalanimo uu heshiisku ku dhici karo.

Mbappe ayaa bishii January albaabka u furay ku biirista Real Madrid isaga oo yidhi” Kubada cagta ma garan karti waxa dhici kara mustaqbalka, Real Madrid-na waxa ay leedahay Khibrad ay guulo ku gaadho.

Inkasta oo uu wali aad u da,yar yahay Mbappe ayaa haatanba ku guulaystay horyaalka France iyo waliba koobkii adduunka Russia 2018 oo uu door weyn ka qaatay.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa dhankooda ogol in uu xiddigu ku soo biiro Real Madrid marka loo eego xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Nuymar.

Taageerayaal dhan 89% ayaa Mbappe u doortay in uu ku biiro kooxdooda marka loo eego xiddigii hore ee Barcelona ee Neymar.

Mbappe ayaa sidoo kale ka niyad jabsan bixitaanka Kooxda PSG ee tartanka champions Legaue xilli ciyaareedkan halka ay Real Madrid 4 jeer ku guulaystay tartanka 5-tii sano ee ugu dambaysay.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah in ay PSG ku qabsanaan karto in ay iibiso xiddiga reer France hadii lagu helo dabiga ah in ay jabisay heerka dhaqaale wanaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here