4 Caqabadood Oo Real Madrid Ka Hor Istaagi Karta Saxiixa Paul Pogba

0

Waxa si weyn u sii badanaya wararka Paul Pogba la xiriiirinaya kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa jirta cadaymo badan oo Pogba u dhawanaya Real Madrid oo ay ugu horaysao qanacsanaanta Zidane ee awooda xiddiga reer France kaas oo horay u amaanay awoodiisa weerar iyo waliba daafaca.

Wargayska The Sun ayaa sheegay in uu Zidane doonayo in uu Pogba ka dhigto bartilmaameedka 1-aad marka uu dhamaystiro saxiixa Eden Hazard waliba maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan xiddiga wax walba oo ay ku qaadato.

Laakiin waxa jira 4 caqabadood oo Pogba ka hor istaagi kara in uu ku biiro kooxda Real Madrid kana tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan suuqa kala iibsiga xagaaga.

1.Mushaharkiisa Badan: Xiddiga reer France ayaa dalbanaya mushahar waali ah hadii uu ku biirayo Real Madrid waana lacagta uu haatan Man United ka dalbanayo hadii uu heshiis cusub u saxiixayo Xiddiga ayaa haatan United ka qaata lacag dhan 220 kun oo Gini todobaadkii laakiin xiddiga ayaa doonaya lacag dhan 500 kun oo Gin todobaadkii, taas ayaa dhibaato weyn ku noqon doonta Real Madrid marka loo eego in xiddigaha ugu muhiimasan waliba ah kabtanada kooxda ee Ramos iyo Marcelo qaataan lacag dhan 200 kun oo Gini todobaadkii.

2.Mino Raiola: Wakiilka caanka ah ee Mino Raiola ayaa ku caan ah ama lagu yaqaanaa in uu lacag badan ka dhacsado kooxaha uu doonayo in ay xiddigaha uu wakiilka u yahay ku biiraan, Waxa iska cad in wakiilka Pogba uuna xiriir fiican la lahayn madaxweynaha kooxda Real Madrid taas oo sabab weyn u noqon karta in uuna Pogba ku biirin kooxda Real Madrid.

3.Qaab ciyaareedka Paul Pogba: Inkasta oo uu Zidane la dhacsan yahay tayada xiddiga hadana qaab ciyaareedkii kulamadii ugu dambeeyay ee xiddiga ayaa shaki galinaya maamulka Real Madrid in ay lacag badna ka bixiyaan xiddiga reer France kaas oo qaab ciyaareed aad u liita ku jra kulamadii ugu dambeeyay ama inta badna xilli ciyaareedkan.

4.Fal Celiska Taageerayaasha United: Maamulka Man United ayaa si gaar ah u eegi doona qaabka ay taageerayaasha Man United uga fal celin doonaan bixitaanka xiddiga, inkasta oo uuna ku jirin qaab ciyaareed fiican hadana Pogba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe marka uu ku jiro maalintiisa sidaas darteed bixitaanka Old Trafford ayaa muran badan ka dhex dhalin doona taageeryaaasha iyo maamulka kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here