4 Arimood Oo Aan Ka Baran Doono Kulanka Xiisaha Leh Ee Man United & PSG.

Taageerayaasha Kubada cagta ayaa caawa si weyn u sugaya kulan culus oo dhex mari doona kooxaha Man United iyo PSG kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford kana tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Labada kooxood ayaa isha ku haya ama doonaya in ay u gudbaan wareega xiga si ay u sii wadaan tartanka champions League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabo aan ka baran doono kulanka caawa:

1.Man United ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 9-kii kulan ee ay ciyaartay wareega 16-ka champions League iyada oo laga badiyay 5 kulan sidoo kale bar-baro galay 3 kale.

2.PSG ayaa wareega bug baxa gaadhay xilli ciyaareedkii 9-aad oo xiriir ah waana rikoodhka ugu dheer marka laga yimaado real Madrid (22), Barcelona (15) iyo Bayern Munich (11) laakiin may gaadhin wareega 4 dhamaadka waxana ay ku hadheen 8 dhamaadka.

3.57% goolasha ay Man United dhalisay xilli ciyaareedkan waxa ay dhaliyeen wixii ka dambeeya daqiiqadii 85-aad laakiin waxa ay 2 gool oo kaliya ku dhaliyeen garoonkooda 3-dii kulan ee ugu dambeeyay Group-yada waana kooxda ugu yar ee sidaas samaysay kooxihii ka qayb galay tartanka.

4.PSG ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka dhalisay wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo dhaliyay 17 gool 6-dii kulan ee Group-yada.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here