3 Sababood Oo Waaweyn Oo Ka Dambeeya In Uu David De Gea Diidanyahay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man United.

0

Davi De Gea ayaa kabtan u noqday Man United kulankii ay guusha ka gaadheen Fulham kulan ka tirsana horyaalka premier League.

Laakiin Mustaqbalka Goolhayaha reer Spain ee Old Trafford ayay wali su,aal ka taagan tahay xilli 18 bilood uga hadheen heshiiskiisa haatan uu kooxda kaga qaato 200 kun ee Gini todobaadkii.

Goolhayaha ayaana doonaya in uu jeebka ku shubto lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii hadii uu heshiis cusub u saxiixayo kooxda.

Maamulka Man United ayaa ka war qaba in uu David De Gea diyaar u yahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda.

Laakiin 28 jirka ayaa wali diidan in uu badalo dalabkiisa mushaharka waliba aan ogolaan doonin in uu heshiis cusub saxiixo ilaa loo ogolaanayo dalabkiisa.

Ma ahan xaalad ku cusub Man United maadama ay ku qasbanaadeen in ay dhaqan galiyaan heshiiskii halka sano ahaa ee ku jiray heshiiska goolhayaha kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda si ay uga hor istaagaan in uu suuqii Janaury la hadlo kooxaha kale.

Laakiin waxa ay talaabadaas u qaadeen si ay u helaan wakhti ay ku xaliyaan arinta laakiin xaalka ayaanu wali waxba iska badalin.

Wakiilada De Gea ayaa wali diidan in ay ogoolaadaan dalabka United inkasta oo Real Madrid oo wakhti dheer lala xiriirinayay goolhayahan ay la wareegeen goolhaye Thibaut Courtois.

Maamulka Barcelona ayaa aaminan in De Gea uu kaliya uga tagi karo kooxda Man United hadii uu dalab ka helo Barcelona laakiin taas ayaan suurtagal ahayn maadaama ay Barcelona haysaato Marc-Andre ter Stegen.

Laakiin United ayaa ka war qabta in ay kooxaha PSG iyo Juventus diyaar u yihiin in ay lacag la,aan ku helaan David De Gea.

Ugu dambayn meesha ay United ka mari laadahay De Gea ayaa ah mushaharka waalida ah ee ay kooxdu todobaadkii jeebka ugu shubto Alexis Sanchez kaas oo kooxda ku soo biiray 13 bilood ka hor.

Xiddiga reer Chile ayaa jeebka ku shubta lacag dhan 400 kun oo Gini todobaadkii iyo waliba lacag dhan 75 kun oo Gini oo kulan walba oo uu u ciyaaro kooxda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here