20-ka Kooxood Ee Mushaharka Ugu Badan Bixiya Yurub Oo La Soo Saaray

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Liiska 20-ka Kooxood ee mushaharka ugu badan bixiyay sanadkii 2017.

Kooxda Real Madrid aya hogaaminaysa Liiska kooxaha mushaharka ugu badan bixiyay iyaga oo xiddigaha kooxda jeebka ugu shubay lacag dhan 358.72 milyan euro.

Waxa kaalinta 2-aad ku jirta kooxda Barcelona kuwaas oo iyaguna xiddigaha kooxda siiyay lacag dhan 333.98 milay euro.

8 ka mid ah 20-ka kooxood ayaa ka ciyaara horyaalka Premier League halka horyaalka La Liga ka ciyaaraan kaliya 3 kooxood kuwaas oo kala ah Barca, Atletico iyo Real Madrid.

Man City, Man United, Liverpool, Chelsea, Arsenal, Tottenham, Crystal Palace, Leicester City iyo Southampton ayaa ka soo baxay premier League.

Dhanka kale kooxaha Serie A-da ayay kaga jiraan kooxaha Juventus, Inter Milan, Roma iyo Ac Milan halka halka Germany kaga jiraan 3 kooxood.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha iyo Mushaharka ay bixiyaan:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here