10-ka Daafac Ee Garbaha Ka Ciyaara Ee Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan

Waxa lagu jiraa qaybtii dambe ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo la arkay xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Xiddigaha ka ciyaara garabaha daafaca ayaa door muhiim ah ka qaatay kooxdooda hadii ay noqoto dhanka daafaca ama dhanka weerarka.

15-kii sano ee ugu dambaysay daafacyada garabaha ayaa kaliya laga diiday daafac adag laakiin laga dalbaday in ay caawiyaan weerarka kooxohooda kuwaas oo ah waxa ay haatan sameeyeen.Xiddigaha ka ciyaara garbaha daafaca ayaa haatan laf dhuun gashay ku noqda kooxaha kale iyaga oo caawiyayaal ka noqda goolasha ay dhaliyaan kooxohoodu.

Xilli ciyaareedkan premier League waxa jira xiddigo ka ciyaara garbaha weerarka kuwaaas

oo qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10-ka garbaha daaafaca ee ugu fiican premier league ilaa haatan xilli ciyaareedkan:

Andrew Robertson (Liverpool)
Cesar Azpilicueta (Chelsea)
Trent Alexander-Arnold (Liverpool)
Ben Chilwell (Leicester City)
Aaron Wan-Bissaka (Crystal Palace)
6 Kyle Walker (Manchester City)
Matt Doherty (Wolves)
Marcos Alonso (Chelsea)
Lucas Digne (Everton)
Ricardo Pereira (Leicester City)

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here