LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Yaa Ku Guuleystay Abaalmarinta Ballon d’Or Sanadkaan 2017 Codeyntii Ay Sameysay Shabakadda Marca Ee Mataanka La Ah Wargeyska?

Majaladda France Football Magazine ayaa soo saartay liiska musharaxiinta abaalmarinta Ballon d’Or sanadkaan kuwaas oo ka kooban 30-ciyaartoy, balse inta aan la gaarin waqtiga la bixin lahaa shabakadda Marca oo mataan la ah wargeyska kasoo baxa caasimadda ayaa sameysay codeyn ay ka qeyb qaateen akhristyaaasheeda.

Liiska waxaa ugu waaweyn Cristiano Ronaldo & Lionel Messi kuwaas oo ah labada xidig ee aysan cidi la qeybsan abaalmarintaan tan iyo sanadkii 2008.

Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa si rikoor ah ay ugu codeeyeen akhristayaasha shabakada inuu ku guuleysan doono abaalmarinta Ballon d’Or, waliba codadkii ugu badnaa 64%.

Waxey aaminsan yahiin inuu difaacan doono abaalmarintaan madama uu sanadkii hore hantay, booska labaad waxaa soo galay Lionel Messi kaas oo 26% helay, waxaa jira xidig sadexaad soo tiigsaday kaas oo helay kaliya 2% waana Isco Alcaron.

Kaliya 1% waxaa helay dhawr ciyaartoy oo kala ah: Neymar Jr, Luka Modric, Toni Kroos & Kylian Mbappe.

Shabakadda waxey sheegtay iney codeynta ka qeyb qaateen akhristayaal gaaraya 5,500.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII