LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Xulka Qaranka Spain Oo Kulamo Saaxiibtinimo Ku Balansanaya Portugal & Argentina Iyo Kulanka Spain vs Portugal Oo Wanda Metropolitano Lagu Ciyaari Karo.

Xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF ayaa diyaarinaya qorshe ay kulamo saaxiibtinimo kula ciyaari doonaan qaar ka mid ah xulalka qaramada kubbada cagta ee u soo baxay koobka aduunka waxaana soo baxaya saddex xul qaran oo ay Spain laba ka mid ah la ciyaari doonto.

Wargayska AS ayaa shaaciyay in Spain ay garoonka cusub ee Atletico Madrid ee  Wanda Metropolitano ay Portugal ku soo dhawayn doonto si ay iskugu sii diyaariyaan koobka aduunka maadaama oo ay soo dhamaadeen kulamadii isreeb reebka koobka aduunka ee ay ka qayb galayeen.

Marka laga yimaado kulanka Wanda Metropolitano Stadium ee ay Spain doonayso in ay Portugal kula ciyaarto waxay sidoo kale xidhiidhka kubbada cagta Spain wadaan qorshe kale oo ay ku doonayaan in ay iskugu sii tijaabiyaan koobka aduunka kaas oo ay rabaan in ay la soo ciyaaraan marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia.

Spain iyo Russia ayaa waligood hal kulan oo kaliya soo wada ciyaareen ee kulamada saaxiibtinimo waana waqti laga joogo 46 sano markaas oo ahayd May 30, 1971 waxaana 2-1 ku adkaaday Russia. Laakiin haddii uu suurtogal noqon waayo kulanka Russia waxay Spain doonaysaa in ay balan ka samaystaan xulka qaranka Argentina oo ay koobka aduunka isku arki karaan.

Argentina ayaa xalay u soo baxday koobka aduukna kadib markii uu Lionel Messi saddexley ka dhaliyay kulankii Ecuador waxayna Argentina iyo Spain sii wada ciyaari karaan kulan saaxiibtinimo oo ay koobka aduunka iskugu sii diyarin karaan laakiin xidhiidhka kubbada cagta Russia ayaa Spain ku xicidhiidhyaya balanta Argentina iyaga oo taariikh isku mid ah doonaya in Russia ay iyaguna kulan saaxiibtinimo la yeeshaan Argentina.

Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa qorshaynaya in ay kulamo saaxiibtinimo la yeeshaan Portugal iyo Russia iyada oo haddii kulanka Russia la dhamaystiri waayo uu xulka qaranka Argentina noqon doono kan badali doona. Kulanka Spain ay doonayso in ay Russia la ciyaarto ayaa la filayaa in uu ka qabsoomi doono Saint Petersburg.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII