LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

XOG: Kadib Heshiiska Kepa Ee Chelsea,Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Qaalisan Oo Si Waali Ah Isku Bad-Badalaysa Iyo Kepa Oo Alisson Shaxdan Ka Tuuray.

Shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisan ayaa marba heer soo maraysay iyada oo ay jireen waqtiyo ay ciyaartoy qiimo aad u hooseeyaa ay ku jireen laakiin hadda waxay u muuqataa in waqtiba-waqtiga ka danbeeya ay ka baxayaan ciyaartoy badan oo shaxdan ku jiray kadib marka uu booskooda buuxiyo xidig kale oo qiimo ka sareeya lagu iibsadaa.

Waxay hadda u muuqataa in shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisani ay noqotay mid waali ah oo ku qiimaysan lacag aad u saraysa iyada oo goolhayaha laacibkii Chelsea ay la soo wareegtay ee Kepa uu markiiba shaxdan ka saaray Alisson Becker oo ahaa goolhayaha aduunka ugu qaalisan.

Shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisan ayaa qarka u saaran in ay gaadho halbilyan gini iyada oo haddaba dhaaftay hal bilyan euros waxaana lagu qiimeeyay shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisan £999.25 milyan gini taas oo ka kooban 11 ka xidig ee aduunka ugu qaalisan boosaskooda.

Haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa shaxda laacibkii ugu qaalisan kadib dhamaystirkii heshiiskii rekoodhka aduunka ahaa ee ay Chelsea xalay kula soo wareegtay goolhayaha ree Spain ee Kepa kaas oo 80 milyan euros oo u dhiganta 71.6 milyan gini ku soo gaadhay Stamford Bridge.

Aan ku bilawnee shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisan waxaa goolka soo galay Kepa kaas oo qiimo ahaan shaxdan ugu jira 71.6 milyan gini waxaana bil ka hor booskan ku jiray Alisson Becker kaas oo ay Liverpool kula soo wareegtay 65 milyan gini.

Difaaca shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisan waxaa ku jira Virgil Van Dijk oo ay Liverpool ka soo bixisay 75 milyan gini kaas oo wali ah difaaca taariikhda kubbada cagta aduunka ugu qaalisan waxaana difaca dhexe kula jira Laporte oo ay Man City kula soo wareegtay 58.5 milyan gini.

Markale Manchester City ayaa shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisan ku leh difaacyada midig iyo bidix waxaana ku kala jira Kyle Walker oo difaaca midig ugu jira 47.5 milyan gini iyo Benjamin Mendy oo difaaca bidix ugu jira 51.75 milyan gini, waxayna afartan xidig sidaa ku jirin afarta difaac ee taariikhda kubbada cagta booskooda ugu qaalisan.

Dhinaca khadka dhexe ee shaxda laacibkii aduunka ugu qaalisan waxaa ku soo wada baxay Philippe Coutinho oo 112.5 milyan gini ugu biiray Barcelona bishii January ee la soo dhafay waxaana khadka dhexe kula jira Paul Pogba oo 94 milayn gini ay Man United kaga soo ceshatay Juventus iyo James Rodriguez oo ay Real Madrid sanadkii 2014 kii kula soo wareegtay 67.5 milyan gini.

Safka weerarka laacibkii aduunka ugu qaalisan waxaa ku jira Neymar Jr oo ilaa hadda ah xidiga haysta rekoodhka suuqa kala iibsiga aduunka iyada oo sanad ka hor ay PSG kula wareegtay 199.8 milyan gini oo u dhiganta 222 milyan euros.

Waxaana weerarka kula jira Cristiano Ronaldo oo dhawaan Juventus ugu biiray 105 milyan gini  waxaana shaxdan dhamaystiray da’yarka Kylian Mbappe kaas oo ay PSG kula soo wareegtay 221 milyan euros waana xidig labaad ee abid ugu qaalisan.

Halkan kaga bogo Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Qaalisan Ee Qiimaha Waalida Ah Lagula Wareegay:

Laakiin waxaa hubaal ah in shaxdani ay wali isbadali doonto maadaama oo hadba ciyaartoy ka qaalisani ay soo baxayaan waxayna u muuqataa in gabi ahaanba ay meesha ka baxeen xidigo badan oo shaxdan hore uga soo muuqday.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *