LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

XOG: Barcelona Oo Xili Ciyaareedkii 11-Aad Oo Xidhiidh Ah Kaalinta Kowaad Kaga Soo Baxay Groupyadii Champions Leaque Ay Kaga Soo Jirtay Iyo Rekoodho Loo Diwaan Galiyay Balaugrana.

Kooxda Barcelona ayaa sii joogtaysay rekoodhka ay xili ciyaareedkasta ugu soo baxdo kaalinta kowaad ee Groupka ay Champions Leaque kaga jirto waxayna laacibkii Camp Nou ka dhisani xili ciyaareedkii 11 aad oo xidhiidh ay markale ku dhamaysatay kaalinta kowaad ee Groupkii ay kula jirtay kooxaha Juventus, Sporting Lisbon iyo Olympiakos iyada oo waliba xili ciyaareedkan guuldaro la’aan wali kaga sii jirtay tartamada oo dhan.

Barcelona ayaa 14 kulan oo xidhiidh ah guulo ku soo gaadhay garoonkeeda Camp Nou ee kulamada Champions Leaque iyada oo aan soo wada guulaysatay dhamaan kulamadii ay xili ciyaareedkan Camp Nou ku jirtay si la mid ah xili ciyaareedkii hore taas oo ilaa hadda ah in ay 14 guulood oo xidhiidh ah oo tartanka Champions Leaque ah ay soo gaadhay.

Laakiin waxaa layaab noqotay in 14 ka kulan ee ay Barcelona guulaha xidhiidhka ah ee Champions Leaque ay ku soo gaadhay garoonkeeda Camp Nou ay ku soo dhalisay 52 gool isla markaana ay la kulantay 7 gool oo kaliya.

Laakiin waxaa xogtan ka sii cajiibsan oo ay laacibkii Catalonia soo awooday in garoonkeeda Camp Nou ayna wax guuldaro ah ku arkin kulamada Champions Leaque tan iyo 1 May 2013 kii markaas oo ay Bayern Munich ahayd kooxdii ugu danbaysay ee Camp Nou guul ku gaadhay.

Waxaana ka soo wareegtay 22 kulan oo Champions Leaque ah oo Barcelona guulo ku soo gaadhay Camp Nou, laba barbaro ah oo ay la kala gashay kooxaha Atletico Madrid -2013/14 iyo Juventus-2016/17.

Barcelona ayaa in kaalinta kowaad ay kaga soo baxdo groupkeeda Champions Leaque waxay soo bilawday xili ciyaareedkii 2007/08 waxayna rekoodhkan ku soo jirtay ilaa xili ciyaareedkan 2017/18 taas oo muujinaysa sida laacibkii Camp Nou ka dhisani ay u soo dhibaataysay kooxihii ay isku groupka soo noqdeen.

Valverde ayaa isna ku socda rekoodh cusub isaga oo aan wali guuldaro la kulmin kulan Champions Leaque ah si la mid ah kulan La Liga ah, waxayna Barcelona lixdii kulan ee heerka Groupyada Champions Leaque ay ka heshay 4 guulood iyo laba babraro ah waxaana Valverde rekoodhkan la wadaaga oo kaliya taababarayaashii  Helenio Herrera (1959/60) iyo Rinus Michels (1974/75)  rekoodh Valverde la mid ah Champions Leaque kaga soo bilawday.

Halkan Kaga Bogo Xili Ciyaareedyadii 11 ka ahaa ee ay Barcelona sida xidhiidhka ah ugu soo baxday kaalinta kowaad ee Groupyada Champions Leaque:

2007/2008, 2008/2009, 2009/2010, 2010/2011, 2011/2012, 2012/2013, 2013/2014, 2014/2015, 2015/2016, 2016/2017, 2017/2018

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *