LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Xilliga ay Real Madrid dhammeystireyso heshiiska Neymar JR oo la ogaaday, miyuuse Cristiano Ronaldo ka qeyb noqon doonaa?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Real Madrid ayaa indhaha ku heysa inay lasoo wareegto Neymar JR dhammaadka xilli ciyaareedka soo aadan, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka Spain.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa lala xiriirinayey inuu kusoo laaban dono horyaalka La Liga tan iyo markii uu ka tegay Barcelona xagaagii lasoo dhaafay.

Sida ay ku warameyso majaladda Marca, maamulka Los Blancos ayaa aaminsan inay Neymar gacanta kusoo dhigi karaan sannadka 2019ka oo ay heshiiskiisa soo gabagabeyn karaan.

Xitaa maamulka laacibkii Real Madrid waxay doonayaan in aysan xumeyn xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya milkiileyaasha laacibkii Paris Saint-Germain.

Maxaa yeelay maamulka laacibkii PSG ayaa waqti xaadirkaan ka careysan sida ay Real Madrid kalsoonida ugu qabto inay dhammeystiri karto saxiixa Neymar, oo noqon kara mid ka mid ah heshiisyadii ugu muranka badnaa kubadda cagta.

Ugu dambeyntii, Real Madrid ayaa kalsooni ballaaran ku qabta inay heshiis rikoorka adduunka noqon doona dhammaadka xilli ciyaareedka soo aadan kula soo wareegi karto Neymar, waxaana laga yaabaa inay Cristiano Ronaldo u adeegsato qeyb weyn oo ka mid ah heshiiskaan.

SHARE

Facebook

Twitter

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII