LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Xidigii Hore Ee Kooxda Paris St Germain Ee Yuri Berchiche Oo Sheegay In Neymar Jr Uu Ku Biiri Doono Real Madrid Xili Dhow Ama Xili Fog.

Laacibkii hore laacibkii Paris St Germain Yuri Berchiche isla markaana haatan ku biiray laacibkii Athletic Bilbao ayaa aaminsan in saaxiibkiis hore ee Neymar Jr uu noqon doono laacibkii ka tirsan Real Madrid xiligan la joogo ama mustaqbalka dhow.

Yuri Berchiche ayaa ku biiray suuqan xagaaga laacibkii Athletic Bilbao, wuxuuna saaxiib dhow kula ahaa laacibkii PSG laacibka reer Brazil ee Neymar Jr, wuxuuna wareysi uu dhawaan ku bixiyay radio “Cadena Ser” kaga hadlay suurtagalnimada uu Neymar ugu dhaqaaqi karo Real Madrid.

Xidigii hore laacibkii Paris St Germain ayaa wuxuu ugu horeyn sheegay: “Waxaan saaxiibo ku ahayn laacibkii PSG, Neymar wuxuu dib ugu soo laaban doonaa horyaalka La Liga, laakiin uma ciyaari doono Barcelona ee wuxuu u ciyaari doonaa Real Madrid, arintan waxay soo jirtay tan iyo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay”.

Yuri Berchiche ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan ku farxi doonaa hadii uu Neymar  Jr u soo dhaqaaqo laacibkii Real Madrid, sababtoo ah waa ciyaar yahan aad u wanaagsan”.

Si kastaba madaxweynaha laacibkii Real Madrid Florentino Perez ayaa doonaya inuu la saxiixdo Neymar oo horey u soo xirtay maaliyada laacibkii Barcelona, laakiin heshiiska kama yaraan doono € 222 million, taasoo ah qiimaha uu ugu dhaqaaqay laacibkii reer France ee Paris Saint-Germain.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *