LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Xiddiga Man United ee Marouane Fellaini oo qaab qosol leh timaha u soo sameysatay… + SAWIRRO

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Xiddiga laacibkii Manchester United ee Marouane Fellaini ayaa soo bandhigay qaab cusub oo qosol leh oo uu u habeystay tintiisii weyneyd.

Timaha weynaha laacibkii Man Utd ayaa qaabab kala duwan tinta u soo habeysan jiray laakiin qaabkaan cusub oo uu tinta u soo sameystay haatan waa mid ka duwan qaababkii hore oo dhan.

Tima-weynaha laacibkii Manchester United ee Marouane Fellaini ayaa bartiisa Instagram-ka oo dhigay sawir uu iska soo qaaday oo ah qaabka cusub ee uu tintiisa u soo sameystay.

Marouane Fellaini waxa uu taageerayaashiisa tusay qaabka cusub oo uu tinta u soo sameysatay iyadoo uu labada dhinaca ka kala xiray tintiisii weyneed ee lagu yaqiinay.

Laacibka xulka qaranka Belgium ayaan la hubin in qaabkaan cusub ee uu tintiisa u soo samaystay uu garoomada ku soo geli doono iyo haddii ay noqon doonto mid ku kooban sawir uun.

30-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo kulanka caawa kooxdiisa Man United ku soo dhaweynayso garoonka Old Trafford naadiga Sevilla lugta labaad ee Wareegga 16-ka Champions League, markaas ayaana la arki doonaa qaabka uu ku soo galo garoonka.

Sawirrada qaabka cusub ee uu tinta u soo sameystay hoos ka eeg:-

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII