LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Xiddiga Kooxda Arsenal Ee Granit Xhaka Oo Saxaafada La Wadaagay Koox Uu Jecelyahay Inuu Mar Uun Ku Biiro Kahor Dhammaadka Waayihiisa Ciyaareed.

Xiddiga khadka dhexe ee laacibkii Arsenal ee Granit Xhaka ayaa sheegay inay jirto kaliya hal koox oo uu ku hamiyayo inuu mar uun u dheelo kahor inta uusan gabi ahaanba ka fadhiisan kubadda cagta.

Xiddiga khadka dhexe ee Gunners ayaa xilli ciyaareedkan ah mid boos joogto ah ka heysta tababare Emery kaddib xilli ciyaareed uu dhibtooday oo uu soo qaatay sanadkii hore, Bandhigyada Xhaka ayaa ahaa kuwo aad u horumaray marka laga yimaado inuu qalad kulahaa goolkii Wolves ay ka dhalisay toddobaadkii hore.

Xhaka ayaa sheegay inay jirto hal koox oo uu maanka ku hayo isla markaan ay tahay kooxdiisii carruurnimo ee Basel, Xhaka ayaa laacibkii dalkiisa u dheelayay wakhtigiisii carruurnimo isaga oo intaa kaddib boos ka helay laacibkii koowaad kahor intii uusan ku biirin Borussia Monchengladbach sanadkii 2012.

Xiddigan oo wax laga weydiiyay haddii uu ku laaban doono laacibkii dalkiisa ayaa yidhi “Sida iska cad, Xirfadaydu waxa ay kasoo bilaabantay halkaas, Waa ujeedo dhab ahaantii riyadaydu waa inaan ku laabto maalin uun”

Dhinaca kale, Granit ayaa sheegay inuu mari doono wadadii halyeeyga xulka Switzerland ee Alexander Frei isla markaana uu ku laaban doono laacibkii marka ay da’diisu gaadho soddomaadka.

“Ma noqon doonto arrin dhacday 28-ka, Waxa laga yabaa inay noqoto sidii Alex Frei kaas oo ah tusaalaha ugu fiican ee sida loo qabto midaas, Waxa uu soo laabtay markii uu ahaa soddomaadka laakiin wali waxa uu sameeyay bandhigyo isaga oo FCB ka caawiyay inay koobab ku guuleysato”

“Dabcan, Filashadu waa mid sarreysa marka aad ku laabato, Sida iska cad waa riyo”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *