LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Xavi Hernandez Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay In Neymar Jr Uu Barcelona Ka Baxay Isaga Oo Barbar Dhigay Luis Figo.

Xidigii hore ee laacibkii Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa wuxuu tilmaamay sida uu uga xunyahay heshiiskii uu Neymar Jr ugu dhaqaaqay safka laacibkii Paris St Germain, wuxuuna qiray inuusan ku fikirin inay dhici karaan arimahan oo kale.

Xavi Hernandez ayaa sheegay in ayna wax sahlan ahayn in ciyaartoy uu ka baxo safka kooxdiisii hore ee Barcelona isaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in xidiga ree Brazil uu Barcelona ka baxay. Xavi ayaa xusay in sida ay arintani u yartahay laga dareemayo in 17 sano ka hor ay ahayd markii ugu danbaysay ee uu ciyaartoy Barcelona sidan oo kale uga baxay isaga oo tusaale u soo qaadanayay Figo.

Xavi Hernandez  ayaa waraysi uu bixiyay ku yidhi:  “Waa wax naadir ah in laacibkii ka tirsan safka laacibkii Barcelona uu ka dhaqaaqo, waana arin layaab badan, mana aysan dhicin mudo haatan laga joogo 17 sano, kadib markii uu  Luis Figo ku biiray Real Madrid, Barcelona kuma aysan fikirin inay jirto koox bixin karta qiimaha lagu kansali karo heshiiska Neymar ee gaadhsiisan aduun dhan 222 million euros”.

Xavi Herandez ayaa hadalkiisa sii raaciiyay: “Sharaxaad buuxda kama uusan bixinin Figo ka bixistiisa laacibkii Barcelona, isaga oo aan xataa qaban shir jaraa’id, ama wax yaabo kale”.

Xavi oo waynaynaya kooxdiisa hore ayaa wuxuu intaa kusii daray: “Barcelona xili kasta waa mid u taagan in lala xidhiidhiyo ku guuleysiga koobab xidig kastaa oo go’aansada inuu ka dhaqaaqo, waxaan heysanaa Lionel Messi oo ah laacibka ugu wanaagsan dunida, Luis Suarez oo ah weeraryahanka ugu wanaagsan, Pique, Iniesta iyo Busquets, iyo xidigo kale ee ku wanaagsan ka ciyaarista boosaskooda”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII