LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Isku Aadka Wareega 16ka Champions League Iyo 15 Kulan Oo Cajiib Ah Oo Ay Kooxaha Waa Wayni Geesaha Iskula Gali Karaan.

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulamadii heerka Groupyada Champions Leaque waxaana hadda dhamaystirtay 16ka kooxood ee wareega xiga ee UEFA Champions Leauqe ku tartami doona iyada oo 8 kooxood ay gabi ahaanba macsalaameeyeen tartamada yurub xili ciyaareedkan, halka 8 kaloo ka mid ah ay ku biiri doonaan tartanka UEFA Europa League, iyadoo markale isku aad loo sameyn doono labadan tarran.

Kooxaha Premier Leaque-ga ayaa wareega 16-ka kooxood xili ciyaareedkan Champions Leaque kaga qeyb galaya 5 kooxood ee kala ah Manchester United, Manchester City, Liverpool, Chelsea and Tottenham, halka Spain ay sidoo kale kaga qeyb gali doonaan ilaa iyo 3 kookood ee kala ah Real Madrid, Barcelona and Sevilla.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ayaa loo badinayaa inay ku beegmi doonto wargeeka 16-ka dhigeeda reer London ee Chelsea, halka sidoo kale si xoogan sidoo kale loo hadal hayo in Real Madrid ay geesaha dari doonto laacibkii Roma, xili sidoo kale ay la filiyo in Manchester United ay ku beeganto dhigeeda ree Spian ee Sevilla.

Kulamada Champions League xili ciyaareedkan ee wareega 16 kooxood ayaa lagu wadaa in lagu daawado sidoo kale kulamo aad u adag, marka loo fiiriyo in dhamaan kooxaha Real Madrid, Juventus, Bayern Munich iyo Chelsea ay ku soo baxeen boos labaad, taasoo ka dhigeysa inay halis ugu jiraan inay fooda is daraan kooxo waaweyn ee kusoo gudbay kaalinta koowaad.

Kooxaha Kaalinta Kowaad Kaga Soo Baxay Groupkooda: Barcelona, Manchester City, Manchester United, Paris Saint-Germain,  AS RomaBeşiktaş, Tottenham Hotspur iyo Liverpool

Kooxaha Kaalinta Labaad Kaga Soo Baxay Groupkooda :Bayern München, Chelsea, Real Madrid, Juventus, FC Basel, Sevilla, Shakhtar iyo FC Porto.

Qaabkee Lagu Salayn Doonaa Isku Aadka Wareega 16ka Kooxood ee UCL?

Waxaa jiri doona laba shuruudood oo loo eegi doono marka la samaynayo isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions Leaque, waxayna shuruuda kowaad tahay in kooxina ayna ku aadi doonin koox ay isku dal yihiin halka shuruuda labaad ay tahay in kooxihina ayna ku beegmi doonin koox ay heerkii groupyada Champions Leaque ay group ka soo wada baxeen.

Sidii caadada ahayd waxaa kooxaha loo qaybin doonaa min siddeed iyada oo ay qaybta kowaad gali doonaan kooxaha kaalinta kowaad kaga soo baxay groupkooda halka qaybta labaad ay gali doonaan kooxaha kaalinta labaad ka soo galay groupkooda. Haddaba waxaa la ogyahay 7 kooxood oo kaalinta kowaad ku soo baxay iyada oo laacibkii siddeedaad caawa la ogaan doono sida aad ka arki karto liiska sare ee aanu idiin soo gudbinay.

Wuxuu sharcigani si cad u sheegayaa in haddii shanta kooxood ee Prermier Leaque tartankan ugu jiraa ayna isku arki karin wareega 16 ka kooxood, sidaa daraadeed, Chelsea oo kaalinta labaad groupkeeda kaga soo baxday lama ciyaari doonto Manchester United iyo Manchester City oo groupyadooda kaalinta kowaad kaga soo baxay, waxayna sidoo kale tani la micno tahay in Barcelona iyo Juventus oo isku group ka soo baxay ayna isku arki karin wareegan waxaana sidan la mid ah kooxaha kale oo dhan.

Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Wareega 16ka Kooxood Ee Champions Leaque?

Haddii aan si fiican u soo fahanay qaabka uu u shaqeeyo isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions Leaque aan markan soo qaadano waqtiga la samayn doono isku aadka wareegan iyada oo maalinta Isniinta ee December 11 isku aadkan lagu samayn doono xarunta guud ee ay UEFA ku leedahay magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaana isku aadka la samayn doonaa marka ay saacadu tahay 12:00CET.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Wareega 16ka Kooxood Ee UCL?

Kooxaha kaalinta kowaad groupyadooda kaga soo baxay waxay marti noqon doonaan kulamada lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee la ciyaari doono 13/14 February 2018 halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono 20/21 February 2018 iyada oo kulamada lugta labaad lagu ciyaari doono kooxaha kaalinta kowaad kaga soo dhamaystay groupyadooda.

Kulamada ugu adag ee isku aadkan Wareega 16ka Kooxood Ee UCL laga heli karo marka lagu saleeyo sharciga isku aadka tartankan.

Barcelona vs Bayern Munich

Barcelona vs Chelsea

Manchester City Vs Bayern Munich

Manchester City Vs Juventus

Manchester City Vs Real Madrid

Manchester United vs Real Madrid

Manchester United vs Bayern Munich

Paris Saint-Germain vs Chelsea

Paris Saint-Germain vs Real Madrid

Paris Saint-Germain vs Juventus

AS Roma vs Bayern Munich

AS Roma vs Real Madrid

Liverpool vs Real Madrid

Liverpool vs Bayern Munich

Liverpool vs Bayern Munich

Haddaba akhriste haddii aad eegto kooxaha ilaa hadda soo baxay iyo kulamada aan ka samaynay ee ay suurtogalka tahay in laga heli karo isku aadka marka sharcigiisa la eego, kulamdee ayaad jeclaan lahayd in aad isku aadka wareega 16ka kooxood ku daawato?

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *