LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Isku Aadka Wareega 16ka Champions League Ee Maanta La Qabanayo & Saadaalinta Kulamada Waa Weyn Ee Xiisaha Leh Ee Ka Soo Bixi Kara

Isku aadka wareega 16ka kooxood ee koobk Champions League ayaa la qabanayaa maanta oo Isniin ah iyadoo la filayo inay ka soo baxaan kulamo xiiso badan, madaama kooxo waa weyn ay ku soo baxeen kaalinta labaad ee group-yadooda.

Kooxaha Premier League ayaa wareega 16-ka kooxood xili ciyaareedkan Champions League kaga qeyb galaya 5 kooxood ee kala ah Manchester United, Manchester City, Liverpool, Chelsea and Tottenham, halka Spain ay  kaga qeyb gali doonaan ilaa iyo 3 kookood ee kala ah Real Madrid, Barcelona and Sevilla.

Kulamada Champions League xili ciyaareedkan ee wareega 16 kooxood ayaa lagu wadaa in lagu daawado sidoo kale kulamo aad u adag, marka loo fiiriyo in dhamaan kooxaha Real Madrid, Juventus, Bayern Munich iyo Chelsea ay ku soo baxeen boos labaad, taasoo ka dhigeysa inay halis ugu jiraan inay fooda is daraan kooxo waaweyn ee kusoo gudbay kaalinta koowaad.

Kooxaha U Soo Gudbay Wareega 16ka:

Kooxaha Kaalinta 1aad Ku Soo Baxay: Barcelona, Manchester City, Manchester United, Paris Saint-Germain,  AS RomaBeşiktaş, Tottenham Hotspur iyo Liverpool

Kooxaha Kaalinta 2aad Ku Soo Baxay :Bayern München, Chelsea, Real Madrid, Juventus, FC Basel, Sevilla, Shakhtar iyo FC Porto.

Sharuudaha Isku Aadka Wareega 16ka?

Waxaa jiri doona laba shuruudood oo loo eegi doono marka la samaynayo isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions League, waxayna shuruuda kowaad tahay in kooxina ayna ku aadi doonin koox ay isku dal yihiin halka shuruuda labaad ay tahay in kooxihii isku group-ka ahaa inaysan isku soo aadi karin wareegaan.

Sidii caadada ahayd waxaa kooxaha loo qaybin doonaa min siddeed iyada oo ay qaybta kowaad gali doonaan kooxaha kaalinta kowaad kaga soo baxay groupkooda halka qaybta labaad ay gali doonaan kooxaha kaalinta labaad ka soo galay groupkooda.

Wuxuu sharcigani si cad u sheegayaa in haddii shanta kooxood ee Prermier Leaque tartankan ugu jiraa ayna isku arki karin wareega 16 ka kooxood, sidaa daraadeed, Chelsea oo kaalinta labaad groupkeeda kaga soo baxday lama ciyaari doonto Manchester United iyo Manchester City oo groupyadooda kaalinta kowaad kaga soo baxay, waxayna sidoo kale tani la micno tahay in Barcelona iyo Juventus oo isku group ka soo baxay ayna isku arki karin wareegan waxaana sidan la mid ah kooxaha kale oo dhan.

Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Wareega 16ka Kooxood Ee Champions Leaque?

Iksu aadka wareega 16ka kooxood ee Champions League waxaa la qabanayaa maanta oo Isniin ah taariikhduna ay tahay 11ka bisha December saacada geeska Afrika marka ay tahay 2da duhurnimo. Isku aadka waxaa lagu qaban doonaa xarunta guud ee UEFA ay ku leedahay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Wareega 16ka Kooxood Ee UCL?

Kooxaha kaalinta kowaad groupyadooda kaga soo baxay waxay marti noqon doonaan kulamada lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee la ciyaari doono 13/14 February 2018 halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono 20/21 February 2018 iyada oo kulamada lugta labaad lagu ciyaari doono kooxaha kaalinta kowaad kaga soo dhamaystay groupyadooda.

Doorka Laacib.net?

Sida caadada inoo aheydba Laacib.net waxay si toos ah idiin kugu soo gudbin doontaa isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions League iyadoo tabinteena tooska ay ah bilaaban doonto 30 daqiiqo ka hor inta aan isku aadka la sameynin. Nagu soo biir waqtigaas si aad u la socoto isku aadka wareega 16ka.

Kulamada ugu adag ee isku aadkan Wareega 16ka Kooxood Ee UCL laga heli karo marka lagu saleeyo sharciga isku aadka tartankan.

Barcelona vs Bayern Munich

Barcelona vs Chelsea

Manchester City Vs Bayern Munich

Manchester City Vs Juventus

Manchester City Vs Real Madrid

Manchester United vs Real Madrid

Manchester United vs Bayern Munich

Paris Saint-Germain vs Chelsea

Paris Saint-Germain vs Real Madrid

Paris Saint-Germain vs Juventus

AS Roma vs Bayern Munich

AS Roma vs Real Madrid

Liverpool vs Real Madrid

Liverpool vs Bayern Munich

Liverpool vs Bayern Munich

Haddaba akhriste haddii aad eegto kooxaha soobaxay iyo kulamada aan ka samaynay ee ay suurtogalka tahay in laga heli karo isku aadka marka sharcigiisa la eego, kulamdee ayaad jeclaan lahayd in aad isku aadka wareega 16ka kooxood ku daawato?

Shares 181


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *