LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Wariye Soo Bandhigay Sida Qolka Labiska Arsenal Looga Necbaa Alexis Sanchez Ka Hor Ku Biiristiisa Man Utd

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Ciyaartoyda Arsenal waxay naceen Alexis Sanchez ka hor inta uusan u wareegin laacibkii Manchester United bishii Janaayo ee sannadkaan.

Suxufiga kasoo jeeda jarmalka ee Raphael Honigstein ayaa sheekadaan baaritaan dheeraad ah kadib soo bandhigay.

Honigstein oo kala shaqeynaya kabtan Mertersacker bookiisa cusub, ayaa shaaca ka qaaday sida ay inta badan ciyaartooyda Arsenal u faquuqi jireen xiddiga Chile ka hor ku biiristiisa Man Utd.

“Waxaa lagu soo waramayaa qolka lebiska Arsenal oo dhan in laga necebaa Alexis Sanchez,” sida jariirada Totti Football Show uu kusoo qoray wariyaha lagu magcaabo Raphael Honigstein.

“Waxay runtii ciyartooyda Arsenal u dareemeen Sanchez inuu kaliya u ciyaarayay qaabka ay u qaban laheyd kamarad, laakiin uusan hadaf iyo hami kale ka laheyn laacibkii.

“Arsenal ayaa gabi ahaanba qolka labiska ka saartay xusuusta Sanchez, taasoo xitaa muujisay sida uu u xumaa xiriirka kala dhaxeeyay laacibkii oo dhan.

Sanchez waxa uu si joogta ah u dalbanayay in la iibiyo, laakiin lama filaan ayay aheyd inuu u dhaqaaqo laacibkii Manchester United.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII