LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Wariyaha Ree France Ee Julien Laurens Oo Sheegay In Paul Pogba Uu Ku Faraxsanyahay Manchester United Balse Uu Wakiilkiisa Mino Raiola Doonayo Inuu Kooxda Ka Kaxeeyo!!.

Wariyaha caanka ka ah dalka France isla markaana sida gaarka ah uga faalooda kubadda cagta ee Julien Laurens ayaa sheegay laacibkii uu xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Paul Pogba doonayo inuu ka ciyaaro xilli ciyaareedka cusub.

Mustaqbalka Paul Pogba ayuu shaki ku jiray tan iyo markii uu xumaaday xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo tababaraha kooxdiisa ee Jose Mourinho, Xiddigan ree France ayaa ku fashilmay inuu qaab ciyaareed wacan kusoo bandhigo kooxdiisa waxaana isasoo tarayay wararka sheegaya in tababare Mourinho uu ka diri doono laacibkii.

Haddaba wariye Julien Laurens ayaa sheegay in 25 jirkani uu ku faraxsanyahay ka qayb ahaanshaha laacibkii Manchester United balse uu wakiilka xiddigan ee Mino Raiola uu yahay shaqsiga dabada ka riixaya in uu isaga tago Red Devils.

Wariyaha oo tibaaxaya sida uu Mino Raiola u yahay shaqsiga xiddigan ka saaraya Old Trafford ayaa yidhi “Ma doonayo inuu tago, Ma uusan waydiisan bixitaan, Ma uusan weydiisan lacag inta uu hada qaato ka badan sida aynu ka akhrinay wararka ka imanaya Ingiriiska”

“Laakiin waynu ognahay in Mino Raiola uu markasta buuq ku samaynayay harreeraha Pogba, Laga yaabaa in Raiola uu doonayo inuu Paul Pogba ka tago Manchester United laakiin Pogba wuu ku faraxsanyahay inuu halkaa joogo, Wuu ku faraxsanyahay inuu joogo Premier League gudihiisa”

Si kastaba ha ahaatee, Hadalkan kasoo yeedhay wariyahan ree France ayaa ah mid ka duwan sida ay werinayso saxaafada kale gaar ahaan saxaafada dalka Ingiriiska oo iyagu sheegay in xiddigani uusan ku faraxsanayn kooxdiisa isla markaana uu isaga bixi doono xagaagan.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *