LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Wargeyska Don Balon Oo Kashifay Xidigaha Uu Lionel Messi Doonayo In Lagu Xoojiyo Kooxda Barcelona – Kuma Jiro Dybala.

Barcelona ayaa weysay xidig yaraha qaranka Brazil Neymar Junior kaas oo isbuucii lasoo dhaafay lacago rikoor ah oo gaaraya 198 Malyan oo Pound ugu biiray Paris Saint Germain.

Horyaalka La Liga ayaa bilaaban doona todobaadka soo aadan iyadoo Ernesto Valverde uusan si weyn ugu kalsooneyn kooxdiisa madama uu raadinayo badalka Neymar.

Balaugrana waxey u kaba qaadatay sidii ay ku heli laheyd kubad sameeyaha Liverpool Philippe Coutinho balse Reds ayaa ciyaareysa ciyaar adag oo ay ugu yaraan ku dooneyso iney ku ilaashato xidigeeda ugu muhiimsan.

Dhanka kale Borrusia Dortmund garabkeeda Ousmane Dembele ayaa aad looga xiiseynayaa Camp Nou inkastoo lagu soo waramayo in ugu yaraan lagu heli karo aduun dhan 100 Malyan oo Euro.

Waxaa jira warar hoose oo ka imaanaya gobolka Catalan kaas oo sheegaya in Lionel Messi uu aad u xiiseynayo in laacibkii la keeno Marco Asensio & Delle Alli kuwaas oo ah ciyaartoy da’yar kana kala tirsan Tottenham Iyo Real Madrid.

Wargeyska Don Balon ayaa shaaca ka qaaday in Lionel Messi uu aad u doonayo in labadaas xidig lagu xoojiyo laacibkii Barcelona ee haatan dooneysa iney mar kale dib ugu soo laabato hanaankeedii lagu yaqaanay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII