LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Warbixin: Real Madrid Oo Haysata £330m Oo Ay Suuqa Galiso Si Ay U Bedesho Cristiano Ronaldo

Real Madrid waxa ay haysataa £330m oo ay suuqa ku qarash gareyso xilli madaxweyaha laacibkii Forentino Perez uu isha ku hayo keenidda Neymar iyo Kylian Mbappe.

Labada Laacib waa kuwa ugu qaalisan dunida kubadda xata iyada oo uu Brazilian-ka Paris Saint-Germain uga soo biiray Barcelona halka midka kale uu uga yimi Monoco.

Neymar waxa uu u dhaliyey PSG 32 gool 35 ciyaarood oo uu u saftay halka Mbappe uu 25 gool ugu saxiixay 47 kulan dhammaantartamada.

Los Blancos si toos ah uga aysan bedelin Cristiano Ronaldo, laacibkii waxa ay hadda haysataa £330m oo ay ku soo iibsato ciyaaryahanno cusub.

Julen Lopetegui  waxa uu waayaha Real Madrid ee bilaa Cristiano Ronaldo ah ku bilaabay saddex guul oo xiriir ah isaga oo isha ku haya bid afraad mar ay toddobaadkan booqdaan Athletic Bilabo.

Dhinaca kale Neymar and Mbappe, labadaba wey ka soo muuqaan doonaan kulanka PSG ee ay la leeyihiin Saint-Etienne.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *