LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

WARBIXIN: Qoyska gabadhii uu candhuufta ku tufay Jamie Carragher oo aan doonayn in Falanqeeyaha shaqada laga cayriyo!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Qoyska gabadhii 14-jirka ahayd ee uu candhuufta ku tufay Jamie Carragher ayaan doonayn in falanqeeyahan laga cayriyo shaqada Sky Sports.

Halyeyga laacibkii Liverpool ee Jamie Carragher ayaa labo Isbuuc laga ganaaxay shaqadii falanqeynta ahayd ee uu ka hayey Sky Sports, kaddib markii lagu helay inuu gabadhaas yar candhuufeeyey.

Difaacii hore ee Reds ayaa candhuufta gabadha uga soo tufay gudaha gaarigiisa xilli uu ka baxayey garoonka Old Trafford kulankii Man United ay kooxdiisii hore ee Reds uga badisay 2-1.

Si kastaba xaalku ha ahaadeen Jariiradda Mirror ayaa iyadoo soo xiganaysa waalidiinta dhalay gabadhii candhuufta lagu tufay waxa ay sheegaysaa in qoyska gabadha yar aysan doonayn in shaqada laga cayriyo Jamie Carragher.

“Ma doonaeyno in uu waayo shaqadiisa, taasi ma’ahan waxaan rabnay, waxaan kaliya doonaynay raali-gelin iyo sharraxaad” ayuu Aabbaha dhalay gabadha yar ee candhuufta lagu tufay u sheegay Jariiradda Mirror.

“Waxa uu u muuqdaa mid ka qoomameeyey, qof walba qalad waa uu gala, dhammaanteen waxaan nahay bini’aadam.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale xaaska Aabaha dhalay gabadha ayaa intaa ku dartay: “Runtii waxa uu u muuqday mid aad uga xumaaday.”

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII