LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Warbixin Qarsoodi Ah: Liverpool Oo Ku Wargelisay Barcelona Qiimaha Ay Ku Iibin Karto Philippe Coutinho.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha Ingiriiska – Liverpool ayaa dhigeeda Barcelona ku wargelisay qiimaha ay kaga samri karto kubad sameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho kaas oo la sheegay inuu kooxdiisa ka codsaday in la iibiyo.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalan waxey si ba’an ugu raad joogtaa Philippe Coutinho si laacibkii loogu xoojiyo iyadoo kaga kabsaneysa iney waayeen Neymar Jr oo lacag rikoorka aduunka ah ugu wareegay Paris Saint Germain.

Warbixino is khilaafsan ayaa kasoo baxayay shalay arinta Philippe Coutinho & Liverpool, inkastoo ay sheekada ku biyo shubatay in xidigii hore Inter Milan uu kooxdiisa ka codsaday in la iibiyo.

Daily Record ayaa tilmaameysa in Liverpool ay haatan diyaar u tahay wadahadal ay la gasho dhigeeda Barcelona balse waxey dalbaneysa lacago aan caadi aheyn.

Barcelona waxaa lagu wargeliyay iney bixiyaan aduun dhan 150 Malyan oo Euro oo u dhiganta lacag dhan 137 Malyan oo Pound inkastoo laacibkii reer Catalonia ay diyaar la tahay aduun dhan 100 Malyan oo Euro.

Dhanka kale warbixino aan lagu kalsoonaan karin ayaa sheegaya in Philippe Coutinho uu goor hore heshiis shaqsi ah u saxiixay Balaugrana.

Shalay ayey milkiilayaasha Reds bayaan kasoo saareen arinta xidigaan iyagoo qiray ineysan eegi doonin dalab walba oo laga soo gudbiyo xidiga reer Brazil.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII