LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

WARBIXIN: Philippe Coutinho oo Guri cusub ka dagay Magaalada Barcelona, isagoo deris la noqday xiddigaha Messi iyo Suarez

Philippe Coutinho ayaa saldhigtay guri cusub oo uu ka tagay magaalada Barcelona, laakiin waxaa u qabtay xiddigga ay iskala soo ciyaareen garoonka Anfield ee Luis Suarez.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho ayaa 145 milyan oo gini ugu biiray laacibkii ka arrimaha garoonka Camp Nou kaddib markii uu ka soo tagay Liverpool.

Ciyaaryahannada kubadda cagta intooda badan waxa ay ku qaadataa in muddo ah inay guri ka helaan magaalada ay kooxdoodu ka dhisan tahay, marka ay ku cusub yihiin naadiga oo waxa ay iska sii deggaan Hotel, laakiin sheekadaas waa uu ka badbaaday Coutinho, waxaana si weyn u gacan siiyey saaxiibkiisii hore ee horyaalka Premier League, Luis Suarez.

Philippe Coutinho oo noqday xiddiga ugu qaalisan ee laga iibsado laacibkii British-ka ah ayaa Isniintii lagu soo bandhigay garoonka Camp Nou isagoo xiran maaliyadda laacibkii Barcelona.

Luis Suarez wuxuu guriga u qabtay Coutinho ka hor inta aysan labada kooxood ku heshiinin lacagta xiddigaan, wuxuuna markaas kaddib madaxweyne Josep Maria Bartomeu ku wargaliyay inuusan wiilka imaan doona u baahneyn Hotel.

“Maya, Madaxweyne, looma baahna wax hotel ah, anigaa goor hore guri u helay Coutinho.” ayaa laga soo xigtay Luis Suarez oo sidaa leh.

Waa guri muuqaalkiisu cajiib yahay oo ka kooban dhisme afar dabaq ah, sidoo kale waxa  ku yaala qol jimicsiga loogu tala galay (GYM), isagoo leh wiishka lagu fuulo guryaha, waxaana uu cabir ahaan ku fadhiyaa 750 mitir oo laba-jibbaaran.

Gurigan waxaa la yiraahdaa Bellamar, waxaana uu deris la yahay ama u dhow yahay guryaha ay deggan yihiin xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez oo ka tirsan Barcelona, iyadoo sidoo kale la sheegay inuu Gurigaan mar horay u degganaa xiddigii hore ee Barca Fabregas oo iminka ka tirsan Chelsea.

Jariiradda The Sun ayaa rumeysan in Suarez uu yahay shaqsiga ka dambeeyey in Coutinho uu ka soo tago Liverpool oo uu markale kala garab ciyaaro laacibkii Barcelona.

Dhinaca kale Philippe Coutinho ayaa xaqiijiyay sida uu Luis Suarez uga saaciday inuu helo gurigiisa cusub, waxaana uu sheegay xiddiga reer Brazil in xaaskiisa Aine iyo carruurtiisa Maria iyo Philippe Jr ay aad ugu qanceen gurigaan cusub.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII