LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

WARBIXIN: Mikel Arteta Oo Durba Kasii Fakaraya Shaqsiga Noqonaya Caawiyahiisa Hadii Uu Helo Xilka Tababaranimo Ee Arsenal.

Caawiyaha Manchester City Mikel Arteta ayaa ugu cad-cad inuu badal u noqdo Arsene Wenger kaas oo 22-sano kadib isaga tagay laacibkii ka dhisan waqooyiga London, xidigii hore Gunners wuxuu durba kasii fakarayaa shaqsiga dhinaciisa fadhiiisan lahaa.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kabtankii hore Arsenal Mikel Arteta wuxuu doorbidayaa in Santi Cazorla uu ka mid noqdo shaqaalahiisa tababarka isla markaana ay isku dayaan iney guulo wax ku ool ah gaaraan.

Dhawr tababare ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Arsenal balse wax walba waxey kusoo biyo shubteen Mikel Arteta maadaama Joachim Low uu qandaraas cusub u saxiixay xulka Jarmalka.

Sidoo kale Max. Allegri ayaa shaaca ka qaaday inuusan meelna uga socon Juventus ilaa ay maamulka laacibkii shaqada ka ceyriyaan halka wali si hoose laacibkii loola xiriirinayo Julian Nagelsmann.

Mikel Arteta oo 36-jir ah ayaa ku faraxsan inuu ku fariisto kursigii Arsene Wenger, kaas oo April sanadkaan ku dhawaaqay inuu ka guurayo Emirates Stadium.

Jamaahiirta Gunners ayaan si weyn ugu qanacsaneyn Mikel Arteta maadaama uu yahay macalin da’yar oo aan shaqooyin waaweyn soo qaban walow dhawr macalin oo yurub iyo aduunkaba taariikh ka sameeyay ay waqtigoodii hore heleen kooxo aamina.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII